Dagaalyahano ajaanib ah oo ka bar bar dagaalamay Xarakada Al shabaab kuwaa oo ka soo jeeda dalka Kenya ayaa la dilay kadib markii lagu eedeeyay in ay jaajuus ahaayeen.
Toogashada ayaa ka dhacday 10 September dagmada jilib ee gobalka jubbada dhaxe xili shaki xoogan ay ka qabeen dagaalyahanada Al shabaab raggan ajaanibta ah ee ka soo jeeda dalka Kenya.
Dilkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee lagula kacayo dagaalyahanada kenyaatiga waxaana tirada ay ka dhigeysaa 7 kenyati ah oo lagu dilay soomaaliya oo lala xiriirinayo falal basaasnimo ah.
Sirdoonka qaranka dowlada Kenya ayaa sheegay in meel fagaaro ah lagu gowracay raggan kenyaatiga oo magacyadooda lagu kala sheegay Abdullahi Talal Musa, Jared Mukayo Omambia and Hashim Othman Selali oo u basaasay dowlada Kenya.
Inta badan murano soo kala dhexgala ajaanibta ka bar bar dagaalama Xarakada Al-shabaab iyo hogaamiyaasha soomaalida ah ayaa sababta shakiyo kala duwan oo qilaaf isku badala.
PUNTLAND POST