Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan Afar qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kalane way ku dhaawacmeen labo shil oo saakay Aroortii hore ka dhacday degmada Shibis Gobalka Banaadir iyo deegaanka Garas-baaley ee duleedka Muqdisho.
Shilkii ka dhacay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari weyn oo ku rogmaday is goyska nasiib-buunde – Waxaana saarnaa dhallinyaro badan oo ka shaqeeyo dhismo ka socda garoonka Muqdisho waxaana shilkaas ku dhintay saddex qof, halka in ka badan 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Mid ka mid ah dadkii gaariga saarnaa ayaa warbaahinta u sheegay in gaari uu ahaa UD ay saarnaayeen ku dhawaad 100-qof ay dhaawacmeen intooda badan.
Sidoo kale, Deegaanka Garas-baaley ayaa waxaa isku dhacay gaari Homey ah oo shacab waday iyo gaari dameer, waxaana ku dhintay hal ruux oo ah wadihii gaari dameerka.
Muqdisho ayaa waxaa ku soo batay shilalka gaadiidka waxaana lagu sheegay labo arin oo kala ah, inta badan waddooyinka Muqdisho oo la dhisay iyo darawallada gaadiidka oo aan la heyn khibrad badan oo wadida gaadiidka ah, shilkii ugu dambeeyay ayaa haweeney uur leh ku dilay xaafadda Sanca.
Ugu dambeyn, Waddooyinka qaar ee la dhisay ayay gadiidka intooda badan si xawli ah ugu socdaan, taasoo loo aaneynayo shilalka sida kaddis ah uga dhaca.
PUNTLAND POST