Qaramada Midoobay oo Ku Baaqday in La Xoojiyo Taageeradda AMISOM

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, oo hadal ka jeediyay shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay aduunyadda dhan in la teegeero Howlgalka Amisom ee ka socda Soomaaliya.

Mr Gutters, ayaa sheegay in hadii la garab istaago Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan ay noqonayso mid lagu heli karo Nabada Soomaaliya, iyo in laga guuleysto dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama.

Sidoo kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo nabadda Soomaliya islamarkaana loogu baahan yahay wadamada caalamka in ay sii xoojiyaan Taageeradda  ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo Soomaliya.

PUNTLAND POST