Magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay rabshado sababay in la boobo goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad Soomali ah.
Inkastoo aan wax khasaaro nafeed ah jirin misana mehrado ganacsi oo ay Muwaadiniin Soomaaliyeed leeyihiin ayaa Dad dibadbaxayaal ahi ay gacanta mariyeen, xilli ay wali jirto cabsi laga qabo inay markale dhici karaan Banaanbaxyo rabshado wata.
Dibadbaxani ayaa waxaa soo abaabulay Taksileyda Cape Town ka dhex shaqaysa, iyagoo ka cabanaya sida ay sheegeen canshuurta Dowladda oo xad dhaaf ah iyo Shirkadaha kale ee Taxi Service-ka gaar ahaan Uber oo adeeg qiimohooda ka raqiisan ah ku qaada Rakaabka, iyagana ay doonayaan inay sare uqaadaan qiimaha lagu raaco Tagaasyada, waxaana Dowladda South Africa war kasoo baxay lagu sheegay in cabashadaasi deg deg wax looga qaban doono.
Dukaamo ay Soomaalida ku leedahay Tuulooyin dhowr ah, ayaa banaanbaxyada ay saameeyeen, waliba Boob teel teel ah ayaa ka jira qeybo ka mid ah Krainfortien, walow aan la carabaabin khasaaraha hantiyadeed heerka uu gaarsiisan yahay.
PUNTLAND POST