Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa goor-dhaw ku weeraray Muqdisho gaari uu la socday Taliyaha Nabadsugida Degmada Kaxda ee Muqdisho xilli uu marayay meel ku dhaw Isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeenley.
Dableyda hubeysan oo baabuurta watay ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaari uu la socday Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali.
Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliyaha uu ku dhaawacmay Rasaasta, iyadoo uu ku dhintay askari ilaalo u ahaa. Dhanka kalena goob-joogayaal ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ee weerarka geysatay ay wateen gaari nuuca NOAH ah, kaddibna ku baxsaday.
Guddoomiyaha degmada Kaxda, ayaa sheegay in dhaawaca Taliyaha loo qaaday isbitaal ka mid ah kuwa Muqdisho, Wuxuuna xusay in ciidamada ammaanka ay wadaan baadigoobka raggii ka dambeeyay weerarka.
Ugu dambeyn, Degmada Dharkeenley ayaa Muddooyinkii u dambeeyay noqotay goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada lagu fuliyo gaari dad hubeysan saaran yihiin, waxaana todobaadkii hore ka dhacday labo weerar oo kan la mid ah.
PUNTLAND POST