LIVE: Doorashada Madaxweynaha Hirshabele iyo Wareeggii koowaad oo soo dhamaaday

Jowhar (PP) ─ Waxaa goor-dhaw magaalada Jowhar lagu soo gaba-gabeeyay wareeggii koowaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo ay ku tartamayaan sided musharrax.

Doorashadan ayaa waxaa goob-joog ka ah mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda dowladda federaalka Somalia, waxaana ku jira wasiirro ay ka mid yihiin wasiirka amniga Qaranka iyo kuwo kale.

Sidoo kale, Doorashadan ayaa u gudbi doonta wareegga labaad haddii uusan jirin musharrax wareegga koowaad ku guuleystay codadka, iyadoo wareega labaad ay ku tartmi doonaan afarta musharrax ee ugu codka sarreeya.

Musharraxiinta ku horreeya wareeggii ee doorashada ayaa waxaa ka mid ah: Maxamed Cabdi Waare oo helay in ka badan 40-cod, sidoo kale waxaa codad aan badnayn helay Cabdi Faarax Laqanyo iyo musharrax Shirwac oo aan kala codad badnayn, waxaase layaab noqotay inay halaabeen 18-cod.

HADDABA, TOOS U DAAWO SIDA AY DOORASHADU KU SOCOTO;

PUNTLAND POST