Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta Muqdisho ku dhexmaray ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somalia.
Dagaalkan oo ka dhacay xaafad loo yaqaan Haanta Dheer oo ku taalla jidka warshadaha ee Muqdisho ayaa billowday aroornimadii hore ee Maanta, iyadoo la sheegay in ciidamada dagaalamay ay kala ahaayeen nabad-sugid iyo ciidammo kale oo hubeysan, kuwaasoo la sheegay inay Millateriga DFS ka tirsanaayeen.
“Wuxuu u muuqday dagaalku mid u xuub-siibtay qaab beeleed. Dhimashadu waxay gaaraysaa sagaal qof oo ay ku jiraan dad shacab ah,” ayuu Reuters u sheegay taliye booliis oo lagu magacaabo C/llaahi Xuseen.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in ciidamada nabadsugidda ah iyo kuwo booliis ah oo la socday lasoo gaarsiiyay warbixin qaldan, iyadoo loo sheegay in ciidamada deegaankaas ku sugan ay ahaayeen malleeshiyo aan cidna ka amar-qaadan.
Isbitaalka Madiina ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo kala duwan, kuwaasoo qaar ka mid ah la sheegay inay xaaladdoodu khatar tahay, balse intooda badan ay qabeen dhaawacyo fudud.
Dhanka kale, sarkaal u hadlay ciidamadii ku sugnaa Haatna Dheer oo ah halka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalkan lagu soo qaaday iyagoo war-mooge ah ayna is-difaaceen.
“Ciidammo ka tirsan booliiska iyo nabad-sugidda ayaa xalay weerar nagu soo qaaday, innaguna waan iska difaacnay. Dagaalku wuxuu socday muddo saacado ah. Dhankeenna waxaa naga dhigay laba askari iyo haweeney uu qabay askari naga mid ah,” ayuu yiri Mijir Nuur Cusmaan oo ahaa taliyaha mid ka mid ah ciidamadii Muqdisho ku dagaalamay.
Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. “Deegaanka lagu dagaalamay waa deegaan uu millaterigu leeyahay, waxaana ku nool qoysaskooda, marka maba jirto sabab ay malleeshiyaad saldhig uga dhigtaan.”
Ugu dambeyn, xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ayaa haatan daggan, iyadoo ay dib ugu soo laabanayaan qoysaskii cabsida awgeed saakay uga cararay, inkastoo ay weli taagan tahay xiisad aan buurnayn.
PUNTLAND POST