Boqollaal gabdhood oo ay sii daysay Boko Haram oo Dib ula Midoobay Qoysaskoodii

Abuja (PP) ─ Boqolaal gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii Chibok oo ay dhowaan sii daysay kooxda Boko Haram ee Waddanka Nigeria, ayaa dib ula midoobay qoysaskooda.

Gabdhahan ayaa ka mid ahaa 276 gabdhood oo kooxda Boko Haram ay ka afduubteen deegaanka Chibok sannadkii sanadkii 2014-kii, ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay lagu hayay xarumo ku yaal caasimada dalka Nigeria halkaa oo lagu xanaaneynayay.

Wasiirka Haweenka Nigeria, Aisha Al-hassan ayaa sheegtay in si wanaagsan ay gabdhahan u soo kabteen laguna wareejiyay waalidkooda xaflad ka dhacday magaalada Abuja.

Sidoo kale, Inta badan gabdhahan ayaa la sii daayay bishii May ee sanadkan kadib markii ay dowlada Nigeria oggolaatay inay ku bedelato shan ka mid ah dagaalyahanada Boko Haram.

Aisha Al-hassan ayaa sheegtay in gabdhahan ay waxbarashadooda sii wadan doonaan iyagoo wax ka baran doona mid kamid ah jaamacadaha ugu wanaagsan ee dalka Nigeria,  American University of Nigeria, halkaa oo ay ka bilaabi doonaan waxbarasho gaar ah oo aasaasi.

Laakiinse, waxaa gacanta Boko Haram ku jira tiro ka badan boqol hablood kuwaasoo laga afduubay Chibok. Balse wasiirka arrimaha haweenka Nigeria  Aisha Alshassan ayaa rajo ka muujisay in wadahadal lagu sii deyn doono gabdhahaas.

Ugu dambeyn, Kooxda Boko Haram ayaa la rumeysan yahay in ay afduub ku haystaan kumanaan haween ah kuwaasoo ay ka qafaaleen magaalooyin ku yaal dalka Nigeria.

PUNTLAND POST