Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo shir Jaraaid qabtay ayaa ka hadlay qarax ka dhacay Magaaladda beledweyne ee gobolka Hiiraan, Mashruuca shaqo abuurista dhalinyaradda iyo dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay war rasmi ah kasoo saartay mashruuca Shaqa Abuurista loogu magac daray ee dowladda Federaalka ay dhowaan uga dhawaaqday magaalada Muqdisho.
Abuu Muscab wuxuu sheegay in mashruucaas uu yahay mid lagu ciidameynayo dhalinyarada Muqdisho ujeedkuna yahay in si dadban looga qeyb geliyo dagaalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah muslimiinta sida uu hadalka u dhigay.
Mashruucan oo ay maalgelinayaan Qaramada Midoobay iyo Bankiga adduunka ayaa la sheegay in lagu shaqaalayno 900 oo dhalinyaro ah islamarkaana degmo walba laga qaadanayo 55 Arday oo dugsiyada sare kasoo baxay.
Al Shabaab waxay sheegtay in hadaf mashruuc ah uu u yahay beegsiga cid walba oo ka qeyb qaadata waxa loogu yeero shaqa abuurista waxayna waalidiinta magaalada muqdisho ugu baaqday in ubadkooda ay gacma qabtaan oo aysan ka qeyb gelin askareynta loogu magac daray mashruuca shaqa abuurka. waa sidey hadalka u dhigeen.
“Waxaan uga digaynaa dadka waalidiinta ah oo muslimiinta ah guud ahaan in ilmahooda oo intaas kusoo dhibtoonayay oo jaamacad ka saaray ama iskuul ka saaray, in canugoodu maanta boqol dollar ama 150 dollar uusan Dowladda u raacin oo waxaa weeye isagoo meel daran taagan Al-shabaab halkaas ku beegsan oo ku dilin, carruurtiina mustaqbalkooda ku dadaala haddii aadan muslimiinta ku taageerayna ka ceshada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Muscab.
Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilal saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaaladda muqdisho, iyo qaraxii ka dhacay magaaladda beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyntii Xarakada Al Shabaab waxay ugu baaqday Ardayda iskuulada iyo jaamacadaha in aysan ku dagmin dhagaraha loo maleegayo.
PUNTLAND POST