Khilaaf sii xoogeysanaya oo soo dhex-galay Guddiga Doorashooyinka Waddanka Kenya

Nairobi (PP) ─ Kala qaybasnaan soo dhex-gashay guddiga doorashooyinka dalka Kenya ayaa cirka isku sii shareeraysa, kaddib markii ay soo if-baxday warqad la sheegay inuu qoray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo muujinaysa qaladaadkii ka dhacay doorashadii madaxtinnimada ee dhawaan ay maxkmadda sare ee dalkaas diidday, sida ay baahisay BBC-da.

Qaladaadkaa dhacay ayaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen; Teleefanno satellite-ka ku xiran oo lasoo siiyey lacag dhan 848 milayn oo Shilinka Kenya ah una dhiganta ku dhawaad 8.2-milyan oo doollar oo loogu talo-galay in lagu soo tabiyo natiijada doorashada ee goobaha codeyntu aanay shaqayn.

Sidoo kale, Warqaddan oo ahayd mid ay ku Qornaayeen hadallo canaan ah oo adag ayaa waxaa qoray gudoomiyaha gudida doorashooyinka, Wafula Chebukati, oo u diray agaasimaha fulinta ee gudida, Ezra Chiloba oo uu ku canaantay 12-qodob oo walaac ku dhaliyey.

Laakiinse, Mr. Chiloba oo ah ninka loo Qoray warqaddan wax jawaab ahi weli kama soo bixin, balse waxaa iyaguna warqada iyo waxa ku qoranba, isagoo iska fogeeyay warqadda iyo waxa ku qoran.

Mr. Ezra Chebukati waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyey sababaha ay u shaqayn waayeen mishiinnadii elektaroonik-ga ahaa ee loogu talo galay in lagu codeeyo oo aan buuxinin “shuruudihii ilaalinta xogta shakhsiga”.

Goobaha tirinta codadka qaarkood ayaa mucaaradku ku doodeen in ay ka suurto gashay in natiijo been abuur ah laga diro.

Musharaxii mucaaradka ee madaxtinimada Kenya Mudane Raila Odinga ayaa horaantii todobaadkan sheegay in aanu ka qayb gali doonin doorashada labaad ee la asteeyey in ay dhacdo 17-ka bisha Oktoobar ee soo socota hadii aan shaqaalaha gudida doorashooyinka qaarkood la bedelin. Waxaanu gudida doorashada ku eedeeyey in ay isaga ka xaglinayso.

Dhanka kale, Wuxuu maanta sheegay in uu diyaar u yahay inuu ka qayb galo doorashada cusub balse uu marka hore doonayo in ergo ka socota isbahaysiga mucaaradka iyo xisbiga talada dalka haya kulan wada tashi ah oo wada jir ah la yeeshaan gudida doorashada.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ah musharaxa xisbiga Jubilee ayaa isna sheegay in dhawaan saraakiisha gudida doorashooyinka qaarkood la ogaaday in ay “dhan yihiin”

Todobaadkii hore ayaa Maxkamadda Sare ee Kenya ku sheegtay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 8 Ogost mid aan ansixin oo waxba kama jiraan ah maadaama ay jireen ” khaladaad badan oo sharciga baal marsani”

Sidaas darteed, madaxweyne Kenyatta aanu xaq u lahayn inuu guushii ka soo baxday codbixintaa ku hogaamiyo dalka, iyo in uu tartan labaad la galo hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, ayaan isla markiiba soo bandhigin xukunka ay gaadheen oo qoraal ah oo faahfaahsan, hase yeeshee waxay qoraalkaa oo dhamaystiran ku soo saarayaan muddo laba todobaad ah.

Ugu dambeyn, warqadda sirta ah ee ka soo baxday gudida doorashooyinka ee muujinaysay inay wax badani ka khaldameen ayuu mucaaradku u fasirtay in si toos ah ugu marag furaysa eedaymaha ay gudida ka tirsanayeen ee ay Maxkamadda Sare u gudbiyeen.

PUNTLAND POST