Wajigii Sadexaad ee Shirka Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ku soo Idlaaday

Wajigii Sadexaad ee Shirka Puntland iyo Galmudug u dhexeeya ayaa Galabta ku soo ilaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Shirkaan oo uu Shir Gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Mudane Eng-C/xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Muddo Sadex maalin ah waxaa looga Hadlayey sidii Xasilooni loogu soo dabaali lahaa Gobalka Mudug iyo si loo Walaalayn lahaa Bulshada Gaalkacyo.

Shirka oo galabtay soo gaba gaboobay ayaa lays ku Afgartay inta badan Qodabada looga hadlayey sida Puntland Post u Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinka ka tirsan ka qab-galayasha Shirka Nabada Gobalka Mudug waxaana labada dhinac ay isku raaceen in War-murtiyeedka rasmiga ah ee Shirka ka soo baxay in Warbaahinta loo Soo Bandhigo Bari oo taariikhdu tahay 08-09-2017