
Marka (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ku kufsaday isla markaana ku dilay Haweeney uur leh, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Haweeneydan ayaa waxaa da’deeda lagu sheegay 25-jir, waxayna kooxdii kufsatay kaddibna dishay ay weli ku sugan yihiin gudaha degmadaas, balse weli nooma suuro-gein inaan helno magaceeda.
Degmada Marka oo kala qaybsan ayay adagtay sida lagu oggaan karo cidda falkaas foosha xun ka dambeysay. Dhinaca kale illaa hadda ma jiraan dhaq-dhaqaaqyo lagu baadi-goobayo kooxdii falkaasi ka dambeysay, sida mid ka mid ah dadka deegaanka uu u xaqiijyay Warbaahinta.
Bishan billowgeedii ayay dagaalo qaraar ka dhhaceen degmada Marka, kuwaas oo u dhexeeyay qabaa’illo. Waxaana dagaalladan marar kala duwan kusoo laalaabteen degmadaas oo ah meel ay tacadiyo badan ka dhaceen.
Sidoo kale, bishii Abriil ee sannadkii 2016-kii tuulada Dudumo ee ka tirsan degmada Shalanbood axaa lagu diley lix carruur ah iyo ayeeyadood, kaasoo ay geysteen dabley colaad kala dhexeysey beesha ay ilmahani ka dhasheen. Waxaana falkaas uu noqday mid si weyn uga yaabiyay dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, Ibraahim Aadam Cali ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilkii xalay ka dhacay Marka, wuxuuna ku tilmaamay fal aan horay uga dhicin degmada.
PUNTLAND POST