Al-shabaab oo diiday hadalkii Dowladda FS ee ahaa in Qalbi-dhagax uu xiriir la lahaa

Muqdisho (PP) ─ Xarakada Al-shabaab ayaa iska fogeysay war Dowladda Farmaajo Somalia kasoo baxay oo lagu sheegay in sarkaalkii jabhada ONLF ee dhawaan loo gacan-geliyay Dowladda Itoobiya uu xiriir la lalahaa Ururka Al-shabaab.

“Al-shabaab waxay si adag isaga fogeyneysaa hadal kasoo baxay dowladda Farmaajo, kaasoo lagu sheegay in shaqsiga lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] kana tirsan ONLF uu iskaashi la lahaa Al-shabaab,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Al-shabaab. Iyadoo intaas ku dartayin  haba yaraatee uusan wax xiriir la ahayn C/kariim Qalbi-dhagax.

War-saxaafadeedka Al-shabaab ayaa mar kale lagu yiri. “Ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhex-maray C/kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Al-shabaab. Warkaasina waa mid aan sal iyo raad lahayn oo Dowladda Somalia ay ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay ku keceen ee ahaa inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen Itoobiya. Iyadoo Bulshada Soomaaliyeed loogu marin habaabinayay in Farmaajo uu yahay Waddani ah kana soo horjeeda siyaasadda Itoobiya.”

Sidoo kale, Qoraalka Al-shabaab ayaa lagu xusay in bulshada Soomaaliyeed ay u caddeynayaan in Farmaajo uu yahay Daba-dhilifka ugu xun ee Itoobiya danaheedana u adeega, uuna ka liito Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh .

Ugu dambeyn, Hadlaka Al-shabaab ay isaga fogeysay Qalbi-dhagax ayaa ku soo beegmaya xilli dowladdu ay shalay ka dhawaajisay in Qalbi-dhagax uu la lahaa xiriir Ururka Al-shabaab, ayna sidaas awgeed ugu dhiibtay Itoobiya.

PUNTLAND POST