Xildhibaano ka gadooday go’aankii Dowlada Somalia ee Qalbi-dhagax oo kulammo leh

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa kulan deg-deg ku leh Muqdisho, kaddib go’aankii xukuumadda Somalia ka qaadatay gacan-gelintii sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee C/kariin Sh. Muuse oo loo yaqaanno [Qalbi-dhagax].

Kulammadanoo bilowday saacad kaddib go’aankii Golaha Wasiirada Somalia ayaa looga hadlayaa tallaabada ay qaadi doonaan, iyadoo si weyn uga hor-jeeda qaabka ay xukuumadda Somalia ay ula tacaashay kiiskan.

Xildhibaannada kulammadan ka dhex-muuqda ayaa sheegay inay kasoo hor-jeedaan go’aanka ay golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka Somalia ku shaaciyeen inay Dowladda Itooobiya ugu gudbiyeen Qalbi-Dhagax oo ka mid ahaa saraakiisha Jabhadda ONLF.

Sidoo kale, Xildhibaanno ka mid ah kuwa kulamada ku leh Muqdisho oo lagu sheegay tiradooda lixdameeyo ayaa wada wada qorshe ay ku diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda Somaaliya, iyagoo guddi u saaray.

Ugu dambeyn, Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa xilligan kacsan gudaha xildhibaanada baarlamaanka federaalka, Waxaana laba qeybood ay u kala jabeen xildhnibaanada labada aqal oo qolo ay taageersan tahay iyo qolo diidan go’aanka dowladda ee Qalbi dhagax.

PUNTLAND POST