Somaliland oo xirtay Shiikh Aadan Sunni

Maamulka Soomaaliland ayaa xiray Shiikh Aadan Sunni oo laga yaqaan inta badan dhulka Soomaalida, Shiikha ayaa xalay ciidamada ammaanku udaadeen guriga uu ka dagan yahay magaalada Hargaysa halkaas oo ay kaso qabteen , waxayna iska hor imaad kala kulmeen dhalinyaro dagan guriga Shiikha.

Aadan Sunni ayaa horay dhaliilo ugu jeediyey masuuliyiinta maamulka Soomaliland kadib markii ay xireen macalimiin dugsi Qur’aan, wali maamulka Soomaaliland kama hadlin xariga Shiikh Aadan Sunni.

Maaha markii ugu horaysay oo ciidamada ammaanka Soomaaliland ay soo xiraan Shiikha , dhowr jeer oo hore ayey so xireen kadib markii uu dhaliil u jeediyey Soomaaliland.

Marka laga yimaado dhaliisha masuuliyiinta Soomaaliland uu u jeediyey Shiikhu, ilaa hadda si cad looma garanayo sababta rasmi ga ah ee loo xiray.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE