Hay’adaha Ammaanka Somaliland oo ka warbixiyay xariga Sheekh Aadan Sunne

Hargeysa (PP) ─ Laamaha Amniga Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay xariga Sheekh Aadan Cabdi Warsame [Aadan Sunne] oo ka mid ah culumada magaalada Hargeysa oo xalay lagu xiray Magaaladaas.

Afhayeenka ciidamada booliiska Somailland, Faysal Xiis oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Sheekh Aadan Sunne uu amniga iyo sidoo kale Qaramada Somaliland uu liddi ku yahay.

Sidoo kale, Wuxuu xusay inuu madax u ahaa dhallinyaro loo Tababarayay ciidamo oo saldhig ku lahaa bannaanka Magaalada Hargeysa. Wuxuuna ku daray hadalkiisa in maalintii Ciidda uu Sheekh Aadan Sunne sheegay hadalo lagu kicinayay dadweynaha oo amni daro abuuri-kara.

“Ciidanka booliisku waxay xalay hawlgal kusoo qabteen Sheekh Aadan Cabdi Warsame [Aadan Sunne] oo ka mid ah culummada Somaliland, balse khatar ku ah amniga Somaliland,” ayuu yiri Faysal Xiis.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku darya. “Markii ay ciidanka booliisku qabanayeen wuxuu kala hor-yimid iska-caabin, maadaama uu soo abaabulay dhallinyaro rag iyo dumar isugu jira oo ciidanka booliiska ka hor yimid.”

Ugu dambeyn, Ciidamada Amniga Somaliland ayaa dhawr jeer xiray Sheekh Aadan Sunni, kaddib markii uu dhaliilay maamulka Somaliland, isagoo horay u diiday eedeymo noocan oo kale ah oo loosoo jeediyay.

PUNTLAND POST