Dadka ku nool degmada Qansaxdheere oo Macaluul soo wajahday

Wararka aan ka helayno gobolka Baay ayaa sheegaya in degmada Qansaxdheere dadka ku nool ay soo wajahday Macaluul iyo Gaajo waxayna qarka u saaran yihiin dadka qaarkood dhimasho.

Dad badan oo ku nool degmada waxaa soo foodsaartay xaalad nolol xumo, walina lama sheegin cid dhimatay waxaase laga so dayrinaya xaalada dadka.

Gudoomiya degmada Qansaxdheere Aadan Cali Qooqane ayaa timaamay in dadka ku nool degmada ay u baahan yihiin kaalmo deg deg ah, isagoo xusay inay soo wajahday Macaluul iyo Gaajo.

Aadan Cali ayaa sheegay inay soo gaartay Kaalmo loo soo dhiibay , islmarkaana aysan ahayn siduu tilmaamay mid kaafin karta xaalad degmada ka taagan.

Degmada Qansaxdheer ee gobolka Baay ayaa kamid ah meelaha ay sida xun u saamasay abaartii ku dhufatay gobolada dalka.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE