Al-shabaab oo Afar Ruux ku gowracday Gobalka Xeebta Kenya ku yaalla ee Lamu

Lamu (PP) ─ Malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay ku dileen afar qof deegaanka Lamu oo ku yaalla gobolka Xeebta ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo Keenyaan iyo Soomaali ah.

Afarta qof ayaa la sheegay in la gowracay, iyadoo laga helay Xaafad ku taala deegaanka Lamu ee dalka Kenya, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliska Kenya si ay u baaraan falkan.

Goob-joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mudooyoonikii lasoo dhaafay ay muwaadiniinta Keenyaanka ah ee aan muslimka ahayn ee dagan Lamu ay qabeen walaac dhinaca amniga ah, kaddib markii ay hanjabaadyo kala kulmeen Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhowr jeer dad sidaan oo kale ugu gowracay dalka Kenya, deegaanka Lamu-na wuxuu ka mid yahay gobollada ugu dhaqaalaha badan Kenya, waxaana ka taagan cabsi weyn.

Dhaka kale, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Xukuumadda Kenya ay lacago dul-dhigtay hoggaamiyeyaal Al-shabaab ah oo u dhashay Kenya, kuwaasoo ka dagaalama gudaha dalkaas.

Xubnaha madaxooda la saaray lacagta ayaa waxaa ka mid ah: Axmed Imaan oo loo yaqaan [Abu Zinnra], kaasoo ah hoggaamiyaha Al-shababa ee Kenya iyo xubno kale, waxaana mid walba madaxiisa la saaray Malaayiin Shilinka Kenya ah.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ay Al-shabaab fulisay ayaa waxaa sidoo kale ay kusoo beegmaysaa xilli la sheegayo in saraakiil Al-shabaab ah oo Kenya ka soo jeeda ay qorsheynayaan inay isaga baxaan kooxdan.

PUNTLAND POST