Xukuumadda Koonfur Afrika oo beenisay in dalkeeda si baahsan loogu laayo Soomaalida

Johannesburg (PP) ─ Wasiirka Madaxtooyadda ee wadanka Koonfur Afrika ahna madaxa guddiga u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta, Jeff Radebe ayaa iska fogeeyay in ajaanibta ku nool Koonfur Afrika, gaar ahaan Soomaalida maalin kasta lagu dilo Nawaaxiga magaalladda Cape Taawn ee dalka Koonfur Afrika.

Radebe la hadlayay Wakaaladda wararka XINHUA ee Shiinaha ayaa wuxuu ku daray intaas inaysan sax ahayn qaylo-dhaanta kasoo yeeray guddiga Jaalliyadda Soomaalida ku nool Koonfur Afrika.

Hor-joogayasha Jaaliyadda ayaa xilli hore shaaciyay in Qaxootiga Somalida ah ee Koonfur Afrika ku nool ay noqdeen bar-tilmaameedka dambiyda ka dhashay Isir-nacaybka ka jira dalkaas, iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay aad u kordheen beegsiga lagu hayo Soomaalida.

Sidoo kale, Warbixin hore oo ay soo saareen Guddiga Jaaliyadda Soomaalida (Somali Community Board) ee South Africa, ayaa lagu sheegay in tobaneeyo qof oo Soomaali ah lagu dilay Koonfurta Afrika tan iyo bilowgii sanadkan aan ku jirno, iyadoo dilalka ugu badana ay ka dhaceen deegaanka ay Khayelitsha oo ah mid ay ka jirto saboolnimo ba’an, kana tirsan Magaaladda Cape Town. Soomaalida la dilay waxaa ku jiray 4-qof oo nolasha lagu gubay, iyadoo illaa haatan aysan jirin cid loosoo qabtay falkaas.

Ugu dambeyn, Dalka Koonfur Afrika ayaa 20-kii sannadood ee lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal Soomaali ganacsi u joogay dalkaas, iyadoo wali dalkaas uu ka socdo dilalka iyo ugaarsiga lagu hayo Hantida iyo maalka ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

PUNTLAND POST