Mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka aqalka sare ayaa lagu weeraray magaalada Muqdisho, xilli uu marayey degmada Hodan .
Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji ayaa marayey xilliga la weerarayey Ex Isbitaal Digfeer aagiisa waxaana rasaaseeyey dad saarna gaari noociisa lagu sheegay Spacio .
Waxaa ku dhaawacmay gabar uu adeer u yahay Xildhibaan iyo qof kale oo gaariga la saarna, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka gaysatay, mana jirto wax soo gaaray Xildhibaanka.
Ilaa hadda lama garanayo sababta Xildhibaanka loo weeraray iyo kooxda rasaasaysay, goobta lagu rasaaseeyey xildhibaanka bishii hore waxaa lagu weeraray Carruur uu dhalay masuul u shaqeeya shirkadda Dahabshiil, sadex carruura ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen.
Inta badan weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho waxaa sheegata kooxda Al-shabaab
PUNTLAND POST
XASAN BASHE