Digreeto kasoo baxday xafiiska taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland Bille Faarax Cali ayaa xilka looga qaaday taliyihii qaybta booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdirashiid Maxamuud Ow Xuseen, waxaana xilka loo magacaabay G/ sare Faarax Warsame Cabdiraxmaan .
Warqada laguma sheegin sababta xilka looga qaaday taliyihii qaybta gobolka Nugaal, waxayse arrintaan kusoo aadaysa xilli madaxweyne ku xigeenka Puntland uu shaqada uga joojiyey taliyaha ciidanka booliiska taliyaha xilka laga qaaday dartiis, kadib markii uu diiday inuu shaqada ka joojiyo taliyaha qaybta .
Halkan ka akhristo digreetada

PUNTLAND POST
XASAN BASHE