Taliyaha qaybta gobolka Nugaal oo diiday xilka qaadistii lagu sameeyey

Taliyaha qaybta gobolka Nugaal G/sare Cabdirashid Maxamuud Ow xuseen ayaa goor dhaweyd sheegay inaan xilka looga qaadin wado sharci ah , isagoo tilmaamay inuusan awood u lahayn taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Puntland Bille Faarax Cali inuu xilka ka qaado.

Cabdirashiid oo warbaahinta qaybteed kula hadlay xafiiskiisa Garowe ayaa tilmaamay inuusan Taliye ku xigeenka booliisku adeegsan karin xilka taliyaha booliiska, isagoo hadalkiisa ku daray inuusan ahayn kusimaha taliyaha booliiska.

Warqada uu qoray ayuu sheegay inay tahay mid aan waxba badalayn ee laab la kac ah , islamarkaana meel looga dhacayo sharci dalka u yaal .

G/sare Cabdirashiid ayaa hadalkiisa ku daray kornayl taliye ku xigeenka ah wax u dhaafsiisana aysan jirin inuu xilka iga qaado waxaan u arkaa laab la kac iyo awood sheegasho uusan lahayn.

Taliyaha qaybta ayaa xusay in markii hore lagu soo magacaabay direego Madaxweynaha islamarkaana uu iyada ku tagi karo.

PUNTLAND POST

Halkan ka Dhagayso Codka

XASAN BASHE