Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay inay la xisaabtamayaan maamulka gobolka Hiiraan kuwaas oo lagu eedeeyey inay wadaan kala qaybsanaan.
Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim ayaa tilmaamay inay la xisaabtamayaan maamulka Hiiraan, islamarkaana aysan u dulqaadan doonin in lakala qaybiyo shacabka maamulka Hirshabeelle.
Qaasim ayaa hadalkiisa ku daray in Hirshabeelle ay ku midaysan yihiin shacabka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe xildhibaanaduna ay u dhaartaan iyaga .
Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli magaalada Jowhar ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle .
Xildhibaan Maxamuud Xuseen Yuusuf oo gudoomiye u ah guddiga doorashada ayaa sheegay inay socoto qaban qaabadii ugu dambaysay ee madaxweynaha lagu dooran lahaa, 12 bisha Septempar ayaa la filaya inay dhacdo doorashado.
Madaxweynihii xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa wali diidan in xilka la qaaday , wuxuuna ku adkaysanaya inuu wali yahay madaxweynaha saxda ah ee Hirshabeelle .
Cali Cabdullaahi ayaa hadda ku sugan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
PUNTLAND POST
XASAN BASHE