Muqdisho (PP) ─ Hay’adda ICAO oo maamusha hawada Soomaaliya, ayaa qorsheyneysa inay xirto hawada Somalia, iyadoo isku dayaysa inay hor-is-taagto qorshaha Dowladda Soomaaliya kula wareegeyso maamulka Hawada.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ICAO ay dooneyso in hawada Somalia la xiro, iyadoo la xaddidayo hannaanka ay diyaaradaha ku isticmaali karaan Hawada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa jira qorshe kale oo ah in Hawada qaybta Badweynta India xiga loo qaybiyo dalalka Hindiya iyo Seychelles, arrintaan oo a sheegay inay wadaan farac ka mid ah Hay’ada ICAO oo la yiraahdo Air Navigation Bureau, taasoo sabab uga dhigeysa inay diyaaradaha mara Xadka ay Soomaaliya la wadaagto India aanay maqli karin raadiyayaasha ay adeegsaneyso xarunta Hawada Soomaaliya laga maamulo ee ku taala Nairobi.
Xaruntan ayaa waxaa maamusha hay’adda ICAO, waxaana loo yaqaan Flight Information Service for Somalia (FISS).
Hay’adda ICAO ayaa muddo 25-sano ah maamuleysa Hawada iyo dakhliga kasoo xarooda, iyadoo la is weydiinayo sababta ka dambeysa in xilligan loo xiro qalab xumo, waxaana layaab ah.
Iyadoo Dhawaan Muqdisho laga billaabay rakibaada qalabkii lagula soconayo hawada Somalia, ayaa haddana waxaa la ogeyn sida Dowladda Somalia ugu suuro-geli doonto inay si rasmi ah maamulka Hawada ula soo wareegto, iyadoo dowladdihii hore ay sameeyaan isku dayo kan la mid ah, laakiinse ku guuleysan waayay.
Dhanka kale, Waxaa hada taagan khatar ah inay dowladda Somalia Lumiso qayb ka mid ah hawada sare ee dalka, maadaama ay ICAO u soo jeesatay in aanay Soomaaliya ku wareejin maamulka hawada, haddii ay dowladu ku adkeeysato arrintan ay ICAO xiri doonto Hawada ama ay qayb ahaan siin doonto wadamada Hindiya iyo Seychelles.
Ugu dambeyn, Waxaa socda shirar isdaba joog ah oo u dhexeeya ICAO iyo Dowladda Somalia, kuwaasoo looga gol leeyahay in xal looga gaaro xiisada ka dhex taagan dowladda iyo Hay’adda ICAO.
PUNTLAND POST