Maamulka gobolka Bari ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin magafe ah oo dadka ka tahriibin jiray magaalada Bosaso , waxayna maamulku tilmaameen inuu ilmaha ku tahriibin jiray lacag dhan 200 $ ( labo boqol oo doolar) .
Gudoomiyaha gobolka Bari Dr Yuusuf Maxmed Wacays Dhado shalay oo Axad ahayd warbaahinta kula hadlay magaalada Bosaso ayaa sheegay in Habeen hore ciidamada amaanku soo qabteen Nin magafe ah oo dadka Tahriibinjiray .
Dhado ayaa intaas ku daray in ninkaasi uu bilihii ugu dambeeyey dalka dhib ku hayey isagoo ilmaha ku tahriibin jiray 200 $ ( labo boqol oo doolar ) .
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay kala sooca Shillin Soomaaliga oo magaalada Bosaso lacagta laka soocayo, Dhado ayaa arrintaas ku eedeyey safarif layaasha oo uu sheegay inay kula xisaabtamayaan, wuxuuna amar ku bixiyey in la qaado dhamaan lacagta shillin Soomaaliga.
Dr Yuusuf ayaa xusay in xabsiyada bosaso ay ku jiraan 84 qof oo loosoo qabtay kala sooco shillin Soomaaliga , sidoo kale wuxuu ku amaray dad qaadka iibiya inay qaataan lacaga Sh. Soomaaliga oo ay diideen, wuxuu u sheegay haddii aysan u hogaasamin sharciga in ay ku fasixi doonaan ciidamada amaanka.
Hadalka Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli shacabka magaalada Bosaso cabasho ka muujiyeen kala sooca lacagta Sh. Soomaaliga.
Halkan ka Dhagayso Codka
PUNTLAND POST
XASAN BASHE