Dowladda Waqooyiga Kuuriya oo Maanta Tijaabisay Hubka Halista ah ee Nukliyeerka

Pyongyang (PP) ─ Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa shaaca ka qaaday inay ku guuleysatay tijaabada hubka halista ah ee Nuclear-ka, iyadoo laga dareemay dalkaas oo dhan dhul ruxan aad u weyn.

Telefishinka Waqooyiga Kuuriya ayaa shaaca ka qaaday inuu tijaabiyay hubka Nuclear-ka ee Hydrogen-ka, kaasoo si ba’an wax u gummaada; waxaana tijaabadan ay kusoo beegmaysaa xilli uu jiro muran xooggan oo u dhexeeya Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Saraakiil ka tirsan xukuumadda Pyongyang, ayaa sheegay in tijaabadaan ay sii horumarineyso qorshaheeda Nuclear-ka, iyadoo hubkan lagu rakibi karo gantaallada ridada dhexe ee meelaha fog gaara.

Sanadkii hore bishan oo kale ayay ahayd markii ay tijaabisay hubka Nuclear-ka, iyadoo arrintaas ay ka dhalatay cunno-qabateyn Golaha Ammaanka uu kusoo rogay dalkaas, si loogu cadaadiyo inay joojiyo barnaamiyadeeda ku aadan tijaada gantaallada halista ah.

Dhanka kale, Tijaabada Nuclear-ka ayaa waxaa walaac ka muujiyay dalka deriska la ah ee Koofur Kuuriya oo ku baaqday in xaaladan isha lagu haayo. iyadoo Waqooyiga Kuuriya ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay waday tijaabinta gantaalada isugu jira kuwa Ballastika ridada dheer iyo ridada dhexe.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa xoojineysa xiisada ka taagan gobolka, xilli ay dhawaan dhacay dhoola-tus millateri oo wadajir ay sameeyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Koofur Kuuriya.

PUNTLAND POST