Ceel-waaq (PP) ─ Taliyaha Ciidamada Dowladda Somalia ee Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo Col. Maxamed Aadan [Ilka-case] ayaa ka hadlay dilkii degmadaas loogu geystay laba nabadoon oo lagala baxay guryahooda.
Col. Ilka-case ayaa sheegay inay ku adag tahay in xili weliba ay shacabka ka difaacaan ururka Al-shabaab, isagoo farta ku fiiqay inay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ku dhuuntaan guryahooda.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa tilmaamay in kooxda Al-shabaab ay xilli walba ku sugan yihiin degmada, balse aysan haysan hub ay isaga celshaan, haddii ay dhacdo in lagu soo duulo.
Taliyaha ayaa xusay in habeenkii ay naftooda kala dhuuntaan Al-shabaab, iska daa inay awood u yeeshan difaacida dadka deegaanka. Wuxuuna ku daray intaasin ciidamada Dowladda oo ah kuwa yar inaysan awood u lahayn u babac-dhigida xoogagga Al-shabaab, maadaama ciidamada aysan helin taageero millateri oo kaga yimaado dhanka Dowladda Somalia iyo Maamulka Jubbaland.
”Inaan shacabkeenna ka difaaci wayno kooxda Al-shabaab, waxaa sabab u ah taageero la’aan naga haysato Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland,” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku darya.
”Waxaan dareemeynaa in waxa na-hor-taagan ay tahay caqabad lama gud-baan ah waayo ciidamadu horay ayey ula dagaalameen Al-shabaab waa ay wiiqeen, hadda anaga difaac xitaa ma geli karno oo qaabka iyaga ay u dhuumaleystaan ayaan u dhuumanaa anaga.”
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa tilmaamay in cabashadooda ay tahay mid ay la qabaan ciidamada Dowladda Somalia ee ku sugan dhammaan Gobolka Gedo. Isagoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xasuusiyay in ciidamadu ay xaq u leeyihiin mushaarka iyo saanada millateri.
PUNTLAND POST