Dowlada Soomaaliya oo lagu wado in ay ka hadasho maanta Arinta Qalbi Dhagax

Warar lagu kalsoonaan karo oo goordhow ku soo dhacay Warqabadka Warbaahinta PUNTLAND POST ee Muqdisho ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay ka hadleyso maanta arinta la xariirta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee Ururuka ONLF ee dagaalka kula jira Dowadda Ethopia.

Dowlada Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Qalbi Dhagax ku wareejisay dowlada Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay war rasmi ah arintaasi ka soo saarto.

Masuuliyiinta dowlada ayaa shacabka Soomaaliyeed u faah faahinaya waxa ka jira in dowlada Soomaaliya sarkaalkaasi ku wareejisay dowlada Itoobiya.

Lagama sii hordhici karo waxa dowlada Soomaaliya ay ka dhehi doonto arinta Qalbi Dhax oo dowlada Soomaaliya ay kala kulmeeysay canaan balaaran iyo niyad jab uga yimid shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Itoobiya oo dhawaan war kooban soo saartay ayaa sheegtay in Qalbi Dhagax ay dowladda Soomaliya usoo gacan galisay islamarkaana uu kamid ahaa saraakiil badan oo dhibaatooyin u geysay shacabka Ethopiyanka.

Dhanka kale Af-hayeenka Jabhadda ONLF oo ka hadlay Go’aankii Qalbi Dhagax Itoobiya loogu gacan galiyey ku sheegay in ay mas’uuliyeeda leeyihiin afar xubnood oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kala ah.

1-Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. 2-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. 3-Cabdullaahi Max’ed Cali (Sanbaloolshe) Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed. 4-iyo Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo ah La taliyaha dhanka amaanka Madaxweyne Farmaajo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah dowlada ugu dhaliilayay go’aankaasi la sheegay in dowlada Soomaaliyeed dowlada Itoobiya ugu gacan galisay Qalbi Dhagax.

Isha Ku Hay PUNTLAND POST si aad u hesho warka Dowlada ay ka soo saarto Arintaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho