Kismaayo (PP) ─ Waxaa xilligan daggan Xaaladda Deegaanka Buulo-Guduud ee dulleedka Kismaayo, iyadoo ciidamadii dowladda Somalia ay dib ugu laabteen deegankaas, kaddib markii saakay ay weerar culus ku qaadday Al-shabaab.
Aroortii hore ee saaka oo Axad ah, ayaa ciidamo ka tiran Al-shabaab waxay dagaal culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo 30-km dhinaca waqooyi ka xiga Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Goob-joogayaal ku sugan Buulo-guduud, ayaa laga soo xigtay inay maqleen qarax weyn oo loo malaynayo inuu yahay Baabuur Wayaaba qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu billabaya weerarka. Intaa kaddib waxaa bilowday hub culus oo ay is-dhaafsanayeen labada dhinac ee dagaalku uu u dhexeeyay oo kala ahaa ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.
Sidoo kale, Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab ay u suuro-gashay inay saldhigga qabsadaan, ayna hakaas isaga carareen ciidamadii dowladda Somalia ee ku sugnaa.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in saldhigaas ay ku dishay in ka badan 20 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, halka ay sheegteen in saddex gaari oo nooca dagaalka ah ay gacanta ku dhigeen.
Ugu dambeyn, Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee uu saldhigoodu ahaa deegaanka Buulo-Guduud ee Gobolka Jubbada Hoose.
PUNTLAND POST