Wararka saaka naga soo gaaraya deegaanka la yiraahdo Buulo Gaduud oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay weerar ku soo qaadeen Al-Shabaab.
Weerarkaasi ayaa waxa uu isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo weerarkaasi soo qaaday.
Weerarka ayaa ku biloowday qaraxyo ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisinka ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya .
Qaraxyada kadib waxaa biloowday dagaal toos ah oo dhexmaray dhinacyadaasi ilaa iyo haatana si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
War goordhow ka soo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegeen in dagaalkaasi ay kula wareegeen deegaanka Buulo Gaduud iyaga oo sheegay in khasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.
“Al-shabaab ayaa dagaal kula wareegeen deegaanka Buula Gaduud, dhimasho badan ayaa jirta, seddax gaari oo Tiknika ahna waan qabsaday”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab
Deegaanka Buulo Gaduud waxaa dhowaan la wareegay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyaga oo ka saaray Al-Shabaabkii muddo maamulayay.
Faah Faahinta Dib kala sooc Insha allah .
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post