Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso Qaabkii uu u dhacay Dil Magaalada Ceel Waaq loogu geeystay Laba Nabadoon oo kamid ah Nabadoonada ugu Caansan Magaalada Ceel Waaq.
Labada Nabadoon Ayaa Lagu kala magacaabi jiray Nabadoon C/raxmaan Ugaas Cali Damdamle iyo Nabadoon Macalin Aadan.
Nabadoonada ayaa lagala baxay hooygooda xalay waxaana saaka laga helay meydkooda oo rasaas lagu dilay bartamaha magaalada Ceel Waaq.
Gudoomiyaha Degmada Ceel Waaq Ibraahin Guuleed Aadan ayaa u sheegay PUNTLAND POST in ragaasi dilkooda ay ka dambeeyeen Al-Shabaab isaga oo sheegay in si dhuumaaleeysi ah ay ku soo galeen gudaha magaaladaasi.
Waxa uu sheegay in ay hadda wadaan baaritaano arintaasi ku aadan iyo howlgalo ka socdo degmadaasi Ceel-Waaq .
Degmada Ceel oo katirsan Gobolka Gedo ayaa dhacda xadka ay wadaagaan dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxaana ka dhaca falal amni daro.
Hoos ka Dhageyso Warbixin.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho