Dab Xoogan oo Qasaare Geeystay Ayaa Goordhow oo Caawa ah waxa uu ka kacay Suuqa labaad ee ugu weeyn Soomaaliya ee Suuq bacaad oo ku yaala degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Dabkaan oo xajmigiisu uu yahay mid aad u balaaran ayaa ugu horeeyn ka kacay qeeybta dharka lagu iibiyo isaga oo ku sii faafay qeeybo badan oo suuqa ah.
Qof goobjooge ah oo ku sugan goobta uu dabkaasi ka kacay ayaa Puntland Post u sheegay in dabkaasi uu geeystay qasaare hantiyadeed uu aad u badan waxaana uu baa bi iyay goobo ganacsi oo aad u badan.
Si rasmi ah looma oga waxa dabkaan uu ka kacay iyada oo ay dadku ay ku soo baraarugeen iyada oo dabku uu socdo.
Gawaarida dab damiska ayaa isku dayaya in ay damiyaan dabkaasi iyada oo halkaasina ay soo gaareen gaadiidka dab damiska.
Faah Faahinta Dabka Dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho