Madaxweynaha Jubbaland oo Shaaciyay sida ay Soomaaliya uga bixi karo dhibaatada

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa maanta qaar ka mid ah dadweynaha ree Kismaayo kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Salaada Ciidul Adxa.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dad shacab ah ayaa kamid ahaa dadka uu Madaxweynahu kula tukaday qasriga Madaxtooyada.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu u rajaynayo nabad iyo barwaaqo in ay ku gaaran xiligan xiligiisa isagoo ugu baaqay in ay isku naxariistaan oo ay Midooban.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay dhibaatada mudada badan ragaadisay dalka ayaa sheegay in wax walba oo dhacay ay dad Soomaali ah masuul ka yihiin loona baahan yahay in aan Allah u noqono oo aan is cafino si dhibku inooga yaraado.

“Waxa kaliya ee maanta aan dhibka kaga bixi karo waa in aan gacmaha is-qabsano oo aan is cafino,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Wuxuuna ka digay in Soomaalidu ay waqtigaan wajahayso dagaal dhulka la xiriira, kaasoo qaab qabiil loo adeegsanayo.

“Maalmahan dadka aan qaabilayay waxa ugu badan ee ay isku haystaan waa dhul waxaan dareemayaa in dagaalka inoo dhiman uu dhulka ku salaysnaan doono,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Hay’adaha Cadaalada ayuu ku booriyay in ay dhameeyaan muranada dhulka la xiriira kahor inta aan lasoo saarin hananka bixinta dhulka oo uu xusay in Xukuumadu ay gacanta ku hayso.

Ugu dambeyn, Waxaa kaloo Madaxweynuhu sheegay in Dadka Madaxda ah looga baahan yahay in masuuliyada ay qaadeen ay dadka ugu cadaalad falaan hadii taas la waayana aysan Dowladnimadu horay u soconaynin.

DAAWO SAWIRRADA SIDA LOOGA CIIDAY MAGAALADA KISMAAYO;

PUNTLAND POST