Xujeyda oo taagan Buurta Carafo iyo Muslimiinta kale oo Sooman

PP-(Makkah Al-Mukarama) Maanta oo ku beegan 9-ka Bisha Muslimka ee Dul Xaj Soomaalidana ay u taqaano Carafo ayaa waxaa Muslimiinta sanadkaan Alle u suurtagliyay in ay Xajiyaan waxa ay saakay taaganyihiin Buurta Carafo.

Muslimiintaan oo ka kala yimid Dunida Daafaheeda ayaa saaka salaadii subax kadib u soo dareeray buurta carafo si ay u gutaan waajibka ugu muhiimsan ee xajka.

Sidoo kale Dadka Muslimiinta ah ee ku kala nool daafaha dunida ee sanadkaan aan u yeelan nasiibka in ay tagaan Beeydka alla ayaa iyagu Sooman maanta.

Buurta Carafo oo ah halkii ugu dambeeyay ee Nabigeena Muxamad ah Nabad Galyo iyo Naxariis korkiisa allaha yeelee uu ku sagootiyay islamarkaasina uu kula dar daaray Asxaabtiisii xajkii loogu magac daray Xajkii Sagootinta.

Martida alle ayaa maanta waxa ay u tahay malalin muhiim ah iyaga oo qoraxda u taagan in ay alle baryaan iyaga oo rajeeynaya in alle ducadooda uu aqbalayo

Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan Alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaadda maqrib iyo cisho.

ugu dambeeyntii maalinta bari ah ayaa ku beegan Maalinta 1-aad ee ciidul Adxaa oo Muslimiinta dunida u ah Maalin farxad ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post