Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Dagaal-degga maalmaha ciiddul Adxa ee berri u billaabanaysa dhammaan muslimiinta ku nool caalamka oo dhan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ILLAAHAY ugu baryay sannadkan sanadkiisa in barwaaqo baraare, caafimaad iyo cimri Eebbe nagu gaarsiiyo, intaasina uu aas aas u yahay amniga.
Sidoo kale, Madaxweynha ayaa ku muujiyay dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo Amnigu u leeyihiin ummadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.
“Haddii aan mas’uuliyiintii waddankaan nahay – waxaan u istaagnay inaan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isagoona rajo ka muujiyey in Somalia oo nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.
DAAWO: Hambalyada Madaxweynuhu uu diray Ummadda Soomaaliyeed;
PUNTLAND POST