Mareykanka oo sheegay in haddii AMISOM laga saaro Somalia ay sababi doonto khatar weyn


Washington (PP) ─
Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa digniin culus kasoo saartay Qorshaha la doonaayo in Somalia looga saaro ciidamada AMISOM ee qaybta ka ah Hawl-galada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Wasaaradu waxay sheegtay inay muhiim tahay inaan lagu deg-degin Go’aanka AMISOM looga saarayo Soomaaliya.

Sarkaal qayb ka ah saraakiisha hoggaamisa Hawlgalada Qaaradda Afrika ee Mareykanka ayaa sheegay in bixitaanka AMISOM ay sababi doonto in ururka Al-shabaab ay mar kale dib u qabsadaan xarumo badan oo Dowlada Somalia ay leedahay.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa xusay in khatartii ciidamada AMISOM loo keenay Somalia ay wali taagan tahay, isla markaana haddii ay Ciidanka AMISOM ka baaan Somalia ay ka dhalan karaan khatarro dhanka ammaanka ah.

Mas’uulkan ayaa tilmaamay in bixitaanka ciidamada AMISOM ee sannadyada soo socda ay horseedi karto caqabad kale oo soo wajaha Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay dhib badnaanayso in wax laga qabto.

Dhanka kale, Wuxuu sarkaalku sheegay in ururka Al-shabaab aysan doonayn in gobolku xasilo, sidaa daraadeedna ay habboon tahay in caadaasiyada lagu hayo hadda lasii adkeeyo.

Ugu dambeyn, ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay wixii sannadkaan ka dambeeya billaabayaan inay ka baxaan Somalia, iyagoo ammaanka guud ee dalka ku wareejinaya ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan aya tiradoodu ka badan tahay 22-kun oo askari oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah, kuwaasoo ay ku jiraan dalalka, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo Soomaaliya jaar la ah.

PUNTLAND POST