Madaxweynaha Koonfur galbeed oo tababar u furay ciidan

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Baydhabo wuxuu tababar uga furay ciidamo ka tirsan Booliiska , waxaa sido kale munaasabadda joogay Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Ciidamada Booliska koonfur Galbeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Koonfur galbeed Cabdiraxmaan Aadan oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ciidamada madaxweynuhu tababarka u furayo ay kamid yihiin ciidamada Booliiska, isago tilmaamay in la barayo habkay ku gudan lahaayeen waajibaadkooda ciidanimo iyo in shacabka ay ula dhaqmaan si wanaagsan.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo tababarka ufuray ciidamada ayaa ugu horayn bogaadiyey ciidamada Booliiska oo uu sheegay inay ka hortagaan khatarkasta oo Koonfur galbeed lala beegsanayo.

Shariif Xasan ayaa ku dhirigaliyey ciidamada inay si wanaagsan u qaataan tababarka, islamarkaana ay ka faa’iidaystaan mudadda uu socda, isago faray in wixii la baro ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan.

Tababarka ciidamada loo furay ayaa kusoo aadaya iyadoo ciidamada maamulka Konfur galbeed, kuwa Federaalka iyo ciidamada AMISOM dagaalka kula jiraan Al-shababaab ay xoojiyeen.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE