Jabhadda ONLF oo ka hadashay sarkaal ka tirsanaa oo DFS ay ku wareejisay Itoobiya

Muqdisho (PP) ─ Jabhada ONLF ee ka dagaalanta dalka Itoobiya, ayaa soo saartay warbixin ay ugaga hadlayaan ku wareejinta dowlada Itoobiya sarkaal ka tirsanaa jabhadooda oo lagu magacaabo, C/kariin Sheekh Muuse.

ONLF ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gacan gelinta Dowladda Itoobiya ee C/kariin Sh. Muuse, iyadoo Itoobiya ay ku eedeysay in lagu tuntay dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah iyo midka Soomaaliya.

Sidoo kale, Warbixinta ONLF ayaa lagu xusay in Muuse oo loo yaqaan Qalbi-dhagax uu muddo saddex sano ah deggenaa magaalada Muqdisho, balse uu u tagay Gaalkacyo inuu Muqdisho keeno Wiil ku xanuunsanaa Gaalkacyo oo uu u ahaa adeer.

“Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Safiirka Itoobiya – ayaa ka shaqeeyay qorshaha lagu soo qabtay, isla markaana loogu gacan geliyay Itoobiya Qalbi-dhagax,” ayaa lagu sheegay warbixinta ONLF ay soo saartay.

Dhanka kale, Illaa iyo hadda Dowlada Federalka Somalia ma beeneyn, mana xaqiijin u gacan gelinta Sarkaalkan ka tirsanaa ONLF oo ay ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa saraakiisha millaterigii Somalia oo dhawaan tagay Magaalada Cadaado ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshaha la doonayay in sarkaalka loogu gacan-geliyo Itoobiya, balse eedeyntaas wuu iska diiday; isagoo sheegay inuusan waxba kala socon.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horresyay oo xubno ka tirsan ONLF inta laga qabto gudaha Somalia lagu wareejiyo dowladda Itoobiya, iyadoo sidaan oo kale ay jabhaddu uga qaylisay dhacdooyin noocan oo kale ah.

PUNTLAND POST