London (PP) ─ Kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo kawada dhisan Britain ayaa diiday inay lacago u dhexeeya 25 illaa 50 Gini ay ku iibiyaan labada laacib ee kooxahan u kala ciyaara, kuwaasoo kala ah; Alex Sanchez iyo Mamadou Sakho.
Arsenal oo Man City ka diiday £50 milyan oo ay ku rabtay Sanchez
Kooxada Arsenal ayaa diiday dalab uga yimid kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City oo ay kawada dheelaan Horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaas oo ahaa in 50 milyan oo gini laga siiyo ciyaaryahanka afka hore ka dheela ee Alexis Sanchez.
Ciyaaryahanka 28 jirka oo 24 gool ka dhaliyay Horyaalka Ingiriiska sannadkii hore ayuu qandaraaskiisu ku eg yahay xagaaga soo socda, wuxuuna jecel yahay in uu u dheelo naadiga City ee uu tababaro Pep Guardiola.
Arsenal ayaa diiday xeelad kaste oo loo soo maray dalabka Sanchez , waxayse jeclaan lahayd in iyagana lagu soo wareejiyo Raheem Sterling haddiiba ay wareejinayaan ciyaar yahankooda inta ka horaysa Khamiista oo ah maalinta u dambaysa ee suuqa kala iibsiga.
Laakiin waxaa la fahamsan yahay in Guardiola uu danaynayo in uu si toos ah u iibsado ciyaaryahankaas, iyadoo aan shuruudo kale lagu xiraynin.
Sterling oo 22 jir ah oo afka hore uga dheela qaranka England ayaa ka soo muuqday saddexdii ciyaarood ee ay Manchester City dheeshay sannadkan.
Laakiin lama siinin hubaanti ah in uu ciyaaraha billaabidoono, ka dib markii ay kooxdu soo sixiixatay xagaagan Bernardo Silva oo kaga yimid dhanka Monaco.
Shabakadda BBC Sport waxay fahamsantahay in Sterling uu jeclaan lahaa in uu London dib ugu laabto haddiiba ay noqoto in uu qayb ka noqdo heshiiska Sanchez.
Liverpool oo diiday in ay Mamadou Sakho ku iibiso £25 milyan
Liverpool ayaa diiday dalab 25 milyan oo Gini ah oo uga yimid kooxda Crystal Palace oo danaynaysa Mamadou Sakho oo difaac ka dheela.
Agaasimaha kooxda Crystal Palace, Steve Parish ayaa Talaadadii soo bandhigay dalabkan oo 22 milyan ah iyo 3 milyan oo kale oo ay kooxdu ku kordhin karto.
Waa dalabkii saddexaad ee kooxda Crystal Palace ka yimaada xagaagan iyaga oo danaynaya 27 jirkan, balse Liverpool ayaa si joogto ah u diidaysay iibinta difaacooda.
Waxayna sheegtay in aysan aqbali doonin wax ka yar 30 milyan oo gini haddiba ay noqoto in ay iibiso ciyaaryahankan Faransiiska u dhashay oo xilli ciyaareedkii hore amaah ugu maqnaa naadiga Selhurst Park.
Intii uusan billaabanin xilli ciyaareedkii horaba tababare Jurgen Klopp ayaa muujiyay in uusan aad ula dhacsanayn.
Ugu dambeyn, Kooxda kubadda cagta ee Leicester City iyo West Bromwich Albion ayaa iyaguna danaynaya Sakho.
Xigasho BBC
PUNTLAND POST