Shir looga hadlayo Hanaanka Maaliyadda oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasumadda dalka shir looga hadlayo Hanaanka Maaliyadda Soomaaliyeed, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Maaliyadda , waxaa ka qayb galay wasaaraddo kamid ah dowladda iyo xubno ka tirsan maamul goboleedyada .

Shirka waxaa diirada lagu saari doona sidii loo dajin lahaa Hanaanka Maaliyadda Soomaaliyeed, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa .

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kulanka furay ayaa sheegay in muhiimadu tahay in sare loo qaado Hanaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo in dhamaan xubnaha ka qayb galaya shirka ay qayb ku lahaadaan sare u qaadida Maaliyadda dalka.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli dalka Soomaaliya ay ka jirto diidamada lacagta Soomaaliga , Shacabka Soomaaiyeed ayaa maalmahan ka cabanayey lacagta lakala soocayo, waxayna saamayn ku yeelatay dadka maatada ah.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE