Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya oo si deg-deg ah ugu u yeeray Wasiirradda Ganacsiga

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa ku amaray wasiirradda ganacsiga Soomaaliya, Khadra Axmed Ducaale inay si dhaqso ah Muqdisho, iyadoo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in u yeeriddaan ay ka dambeysay, kaddib markii Wasiirada Ganacsiga ay soo saartay qoraal ay ku kala direyso Rugta Ganacsiga Soomaaliya, taasoo xiisad kicisay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu ka carooday tallaabada ay Wasiirada ku baabi’isay Rugta Ganacsiga, iyadoo aan markii hore lagu soo wargelin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Warar hoose ayaa sheegaya in Wasiirada Ganacsiga ay maanta ku soo wajahan tahay magaalada Muqdisho. Wasiirada ayaa maalin ka hor u Ambabaxday magaalada Nairobi, inta aysan soo saarin qoraalka ay ku kala dirtay Rugta Ganacsiga.

Tallaabada ay qaaday wasiirada ayaa la sheegay inay ku lug leedahay khilaaf u dhaxeeya ganacsato iyo rag siyaasiyiin ah, iyadoo Wasiirada, Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha ay arrintan isku mowqif ka yihiin.

Ugu dambeyn, Lama oga go’aanka uu qaadan doono Ra’iisul Wasaaaha dalka iyadoo bishii March ee sanadkan uu soo saaray wareegto uu ku aqoonsanayo Rugta Ganacsiga, kaddib markii dib loo doortay hoggaanka rugtaas.

PUNTLAND POST