PUNSAA, TPEC iyo Saferworld oo heshiis kala saxiixday

Guddiga Doorashooyinka Puntland, Dallada Ururada aan Dowliga aheyn ee Puntland “PUNSAA” iyo Hay’adda Saferworld ayaa maanta oo Tallaado ah Garowe ku kala saxiixday heshiis wadashqeyn, heshiiska waxaa korjoogto ka ahayd Ha’yadda cilmi baarista Puntland ee PDRC .

Heshiiska waxaa muhiimadiisu tahay in Saferworld iyo PUNSAA ay kala shaqeeyaan Guddiga Doorashooyinka taabagelinta hanaanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka Puntland.

Gudoomiyaha dallada PUNAA Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiskaan dhexmaraya PUNSAA , TPEC iyo Ha’yadda Saferworld , wuxuu ku sheegay heshiiska inuu yahay mid wada shaqaynayd .

Cabdiwali Jaliil Daahir oo ka socday Ha’yadda Saferworld oo madasha ka hadlay wuxuu ku tilmaamay heshiiska xiriir wada shaqaynayd, islamarkaana uu u gogol xaari doona xiriira waara oo dhexmara Saferworld, PUNSAA iyo TPEC , muhiimad gaarana uu u leeyahay Saferworld .

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka KMG ah ee TPEC oo Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe) oo gaba gabadii ka hadlay goobta ayaa xusay inuu muhiim weyn u leeyahay guddiga doorashooyinka , islamarkaana ahmiyaad ballaaran uu u leeyahay heshiiskan.

Heshiiska ayuu sheegay inuu ka kooban yahay :

1 Waa siday u wada shaqayn lahaayeen dhinacyada uu heshiisku dhexmaray.

2 Tayeynta guddiga doorashooyinka aqoontooda .

3 Wacyi galin sidii guddigu ugu samayn lahaa shacabka iyo sidii gacan looga siin lahaa.

Shuuqe ayaa timaamay in heshiiskaas uu waxbadan ka tarayo sidii Puntland u gaari lahayd doorasho Dimuquraadiyada, uuna yahay heshiis taariikhiya.

Waa heshiiskii ugu horeeyey oo guddiga doorashooyinku Puntland uu galo , wuxuuna kusoo aadaya xilli dhawaan ay dhimeen lacagta isdiiwaan galinta ururrada doorashooyinka.

Halkan ka Dhagayso Codka oo dhamaystiran.

Sawirro.


PUNTLAND POST

XASAN BASHE