Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la Magacaabay – AKHRISO

Jowhar (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo tiradoodu tahay sagaal xubnood.

Guddigan oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigay Maxamuud Xuseen Yuusuf, halka ay guddoomiye ku xigeenno ay ka yihiin, Abuukar Xasan Cali iyo C/llaahi Maxamed Caddow, halka xoghaynta uu u yahay Ismaaciil Maxamed Nuur.

Sidoo kale, Xubnaha doorasho oo aysan ku jirin dumar ah ayaa lagu wadaa inay soo diyaariyaan sharciyadii iyo nidaamkii loo qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii 14kii bishan ay xildhibaanada Hirshabelle kalsoonidii kala noqdeen Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

HADDABA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGAN:

PUNTLANDPOST