Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Sareeyo Guuto Cabdiqaadir Faarax Erag oo madaxweyne ku xigeenka Puntland shaqada ka joojiye shalay oo taariikhdu ahayd 27/8/2017 ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyey sababta ay ku timi shaqo joojintiisu.
Erag oo warfidiyeenada ka hor akhriyey warqada shaqada looga joojiyey ayaa kadib ka hadlay sababta ku timi , wuxuuna yir” shalay subixii waxaa isoo wacay madaxweynaha ku xigeenka Puntland wuxuu iweydiiyey inaan ka warqabo kiis 12 dhalinyaro oo laga siidaayey saldhiga dhexe , waxaan ugu jawaabay haa madaxweyne waan ka warqaba taliyaha qaybtada sii daayey , wuxuuna kusii daayey si sharciga waafaqsan, wuxuu igu amray inaan shaqada ka joojiyo taliyaha qaybta ilaa amar dambe ilaa inta laga baarayo kiiska , waxaan ka codsaday madaxweyne ku xigeenka inuu ka keeno amar qoraala si aan shaqada uga joojiyo kadibna wuxuu yiri waxaan bixinaya amar afka shaqada ka jooji , kuma joojin karo hadal afka ayaan ku iri muwaadin masuuliyad haya hadana ku muqan shaqo gobolka dhexdiisa ah magaalada buurtinle abaalgud uma laha in shaqada laga joojiyo, wuxuu igu yiri madaxweyne ku xigeenku taan adi shaqada kaaga joojin lahaa baan soo saarin, waa mahadsan tahay baan iri madaxweyne “.
Taliyaha ayaa sidoo kale warbaahinta la wadaagay warqad uu soo qoray Taliyaha Saldhiga dhexe Garowe Dhame Maxamuud Muuse Bile taariikhdu markay ahayd 21/8/2017 waxaa Generaal Muxayadiin Axmed Muuse uu saldhiga kusoo xiray 13 dhalinyaro ah , kuwaas oo ku eedeeyey burcad, sida Erga sheegayna uusan ku keenin wax muujinaya inay dambiyadaas galeen qalabkii ay wax ku dhaceen iyo kuwii ay dheceen .
Warqada uu ka hor akhriyey saxaafadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in 24 bish uu saldhiga booqday gudoomiyaha maxkamadda darajada kowaad oo la socdeen Garsoore iyo kaaliyaha Maxkamadda si ay u kormeeraan obiga iyo Saldhiga waxa yaal.
Masuuliyiinka ka socday Madaxkamadda Darajada kowaad ayaa Taliska Saldhiga weydiiyey sababta ay ku xiran yihiin dhalinyadu , waxay iyaguna u sheegeen in Muxiyadiin Axmed Muuse uu soo xiray uuna yiri anaa keenaya cadaynta waxay ku eedeysan yihiin walina uusan keenin.
Eraga ayaa tilmaamay in madaxkamaddu wacday Muxayadiin weydiisayna inuu keeno cadaynta waxay ku xiran yihiin dhalinyaradu, 26 bishan ayaa warqada lagu sheegay inuu Saldhiga booqday Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal , waxaana saldhiga ku xirna dhalinyarada oo sida Taliyaha Booliisku sheegay aan la keenin wax cadaynaya dambiga ay ku xirnaayeen , 2 kamid ah dhalinyarada waxay qabeen xanuunka TB-da , halka kuwa kale oo arday waxbaratay ay ku jireen .
Sareeyo Guuto Cabdiqaadir Faarax Erag ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan Dhalinyaro la xukumo oo lacago laga qaado iyagoo aan maxkamad lagayn mana sheegin cida xukunta.
Taliyaha ayaa yiri Ha’yadda xuquuqda aadmiga waxay kusoo booqdeen Saldhigyada Garowe dad qaarkood xiran sadex billood iyo afar billood oo aan la horgayn maxkamad, halkaasna ay ka muuqato inaan la daryeelayn xuquuqda shacabka .
Erag ayaa sheegay inuu booqday Sadhiyada ku yaal Garowe qaarkood islamarkaana uu ku arka dad badan oo waxay ku xiran yihiin aan la aqoon , una xiran Muxayadiin Axmed Muuse, wuxuu xusay inuu madaxweyne ku xigeenka arrintaas kala hadlay una sheegay in dadku u bahan yihiin xuquuq, isagoo carabaabay inuu ugu jawaabay waa run dadku xuquuq ayey u baahan yihiin balse Cabdiwali ayaa laga raba.
Halkan ka Dhagayso Codka
PUNTLAND POST
HASAN BASHE