Taliska ciidamada Booliiska Gaddo oo ka cabasho u diray dowladda

Taliska ciidamada Booliiska dowladda federaalka ee degmada Baardheere ee gobolka Gaddo ayaa cabasho u jeediyey dowladda Soomaaliya waxayna sheegeen in Saldhiga ciidamada uu bur bur xooggan ka muuqdo.

Aadan Ibraahim ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ka codsaday inay dayactir lagu sameeyo Saldhiga Baardheere si amaanka degmada loo xaqiijyo.

Taliyaha ayaa sidoo kale maamaulka Jubbaland u jeediyey inay dowladda federaalka kala hadlaan si loo dhisi lahaa Saldhiga degmada oo hadda bur bur ka muuqdo.

Aadan ayaa dhanka kale xusay in ciidamada ay howgalo amaanka ah ka sameeyaan magaalada kuwaas oo ka hortaga khatarkasta oo amaanka wax u dhimaya.

Baardheere ayaa kasoo ka baxanaysa dagaaladii sokeeye , waxaana dhawaan laga saara Alshabaab.

PUNTLAND POST.

XASAN BASHE.