Deegaanka Bali busle hoostaga degmada Jariiban ee gobolka Mudug waxaa ka dilaacay xanuunka Janeecada dad badan oo isugu jira Carruur , dad waaweyn ayaa la sheegay inuu soo ritay.
Gudoomiyaha MCH-ka deegaanka Siciido Muuse oo la hadashay Radio Gaalkacyo ayaa u sheegtay in xanuunka Jadeecadu uu faro kulul ku hayo deegaanka ilaa 7 ruux ayey tilmaamtay inay u dhinteen, waxay intaa ku dartay inaysan xisaab lahayn dadka u jiifa xanuunka.
Saciido ayaa xustay in Carruur gaaraya 10 ay hadda aad ugu liitaan xanuunka oo ay jiifaan MCH-ka, Hooyo iyo labo carruura oo ay dhashay ayey sheegtay inay u dhinteen xanuunka.
Inta badan dadka xanuunka Jadeecada u dhintay deegaanka Bali Busle ayaa ah reer guura , waxay sheegtay Siciido in wali sidaan oo kale xanuunka Jadeecada uusan uga dilaacin deegaanka.
Saciido ayaa sheegtay in xanuunka Jadeecada uu sababay Talaal la’aan, Bali Busle iyo deegaanada u dhowna ay jadeecadu ka dilaacday.
Halkan ka Dhagayso Codka.
PUNTLAND POST
XASAN BASHE