Hargeysa (PP) ─ Kulankii Wakiillada Somaliland ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa ayaa loogu doortay xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiillada, isagoo ka guudleystay laba xildhibaan oo kursigaas kula tartamay.
Kulanka oo uu Guddoominayay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, waxaa goobjoog ka ahaa 71-xildhibaan, iyadoo Axmed-yaasiin ay doorteen 50 xildhibaan, halka xildhibaan, Xasan Muuse Hufane oo la tartamay uu helay 16 cod, xildhibaan Axmed Cabdi Kaahina isagana uu helay hal cod.
Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee loo doortay baarlamaanka Somaliland waa nin dhallinyaro ah oo laga soo doortay Gobolka Awdal, wuxuuna ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale, Xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa banaanaday kadib markii Baashe Maxamed Faarax oo ahaa gudoomiye xigeenka 1-aad muddo dheer loo doortay Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland 6-dii bishan August ee 2017-ka.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland ee la doortay, Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa khudbad kooban oo uu jeediyay ku sheegay inuu ku hoggaaminaayo 82-xubnood ee golahaas uu ka kooban yahay caddalad, dhexdhexaadnimo iyo wadatashi.
PUNTLAND POST