Ra’iisal wasaare Kheyre wuxuu Golihiisa Wasiirada ka mamnuucay inay baraha bulshada, idaacadaha iyo TV-yada uga hadlaan warar siyaasadaysan, xaalada taagan iyo wixii xasaasi ah illaa inay ogolaansho ka haystaan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha maahane.
Wasiirada ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya waxaa lagu wargeliyay inaysan uga hadli karin baraha bulshada wixii xasaasi ah ama siyaasad ah ogolaansho la’aan.
Amarka Wasiirada looga mamnuucay baraha bulshada waxaa uu kasoo baxay Xafiiska Ra’iisalwasaaraha oo Ogg-siiyey Madaxweynaha, warqadase waxaa ku saxiixan Ra’iisal wasaare ku xigeen Xukuumadda Soomaaliya Mahad Guleed.
Hoos ka Aqriso Warqada.

PUNTLAND POST