Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay falkii dadka rayidka ahaa lagu laayay Bariire

PP- (Muqdisho) : Dowlada Soomaaliya ayaa guddi u saartay in ay soo baaraan dhacdadii ka dhacday dhowaan deegaanka bariire ee Gobolka Sh/hoose.

Ra’isilwasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay guddi soo baara u saartay dhacdadii naxdinta badneeyd ee ka dhacday Bariire.

Mudane Mahadi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay aad uga xuntahay dhacdadaasi isaga oo sheegay in ay ka tacsiyeeyneeyso dadkii ku geeriyooday falkaasi.

Ra’isilwasaare ku xigeenka ayaa sheegay in guddiga ay la kulmi doonaan ehelada dadka geeriyooday iyaga oo si dhab ahna u ogaan doono qaabka ay dhacdadaasi u dhacday.

Diyaarado dagaal oo ay laga leeyahay dalka Mareeykanka oo gacan siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa duqeeyn diyaaradeed ku dilay dad shacab ah oo gaaraya ilaa 10 ruux oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah.

Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho uu ka soo diray Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho