Militriga dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ay ku lug lahaayeen weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose, xili ay taageero siinayeen ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya, kaas oo dad shacab ah ay ku dhinteen.
Waxaa Militriga dalka Mareykanka war ka soo baxay lagu sheegay in ay dib u fiiri dooonaan dhimashada dadka shacabka ah oo caruur ay kamid yihiin, kadib weerar si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada dowlada Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka.
War kooban oo ka soo baxay taliska howlgalka Mareykanka qaarada Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay ka warqabaan waxyeelada shacabka ka soo gaartay weerarkaasi oo ilaa imika ay wadaan qiimeyn ku aadaan sida weerarkaasi uu ku dhacay.
Gudoomiye ku xigeenka gobalka Shabeelaha hoose ayaa xaqiijiyay dilka 10 qof oo dad beeraleey ahaa in weerarkaasi lagu dilay, iyadoo Meydadka la dilay lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.
Balse wasiirka warfaafinta dowlada federalka soomaaliya En Omar Cusmaan Yariisow ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in weerarkaas lagu dilay 8 ka tirsan dagaaalyahanada Al-shabaab oo aysan jirin dad shacab ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay, iyadoo markii dambe Warsaxaafadeedkaasi dowladu ay la noqotay.
PUNTLAND POST